waa maxaay computer?
waxaa halkaan kuugu soo gudbinayaa waxyaabo badan oo faa'iido leh oo kusaabsan computer ka aan mar walba is ticmaalno.
technology yadu waa iy is badashaa mar marka kasii dambeyso computerku waxa uu ka mid yahay wax yaabihii soo shaac baxay qarnigii 20aad ee lasoo dhaafay.
Computer-ku waa aalad ku shaqeeysa koronto wax la galin karo waxna lagala soo baxi karo. Computer-ku waa aalad ka dhigtay dunida maanta jirta midka loogu isticmaalka badan yahay
taasoo sabab u ah in uu awood u leeayahay :-
1- In aad wax ku kayd-san kartid
2- In wax lagala soo bixi karo
3- In wax la galin karo
4- In xog uu process-ku sameen karo Computerka
qeybaha computerka
computerka waxaa loo qeybiyaa 4 qeybood oo waa weyn waxaa ka mid ah:-
1. software : waa systemka ka shaqeysiya qalabyada computerka, software ku waxa uu qabtaa waxyaabo muhiim ah ay ka mid yihiin ka shaqeysiinta iyo kotroolida computer ka software rada lagu shubo computerka waxaa ka mid ah Operating system (OS) waa software kala duwan oo ay ka mid yihiin Microsoft Windows, Mac OS, LINUX iyo kuwa kale oo badan.
2. Hardware : waa qalabka computer ku ka sameysan yahay ee la arki karo lana taaba karo, computer waxa uu ka kooban yahay qalabyo badan oo ay ka mid yihiin waxyaabahaan hoos lagu sheegi doono
qalabyada computerka
waxaa jira wax yaabo badan ooku guda jira computerka dhaxdiisa:-
1- RAM (Random Access Memory): waa memory loogu talagay inuu xogtahayo inta uu daaran yahay Computerka waana ku meel gaar.
2- ROM (Read Only Memory): waameesha haysa xogta ku saabsan shirkada sameesay Computerka iyo macluumaad kale waana Joogto Kaydkeeda.
3- CPU (Central Processing Unit): waa qalab process gareeya dhaqdhaqaaqa ka socda Computerka.
4- CMOS (semi-conducting Metal Oxide): waa meesha haysaa saacada iyo taariikhda Computer-ka inayahaato mid aan is khaldin marka la damiyo Computerka.
5- MotherBoard: waa meesha ay ku wada rakiban yihiin 4-ta aan kor ku soo sheegay iyadoo isku haysa xargo badan iyo waxyalao kale oo yar yar.
6- Power Supply: waa dab qaybiyaha Computerka kaasoo ah meesha Computerka uu ka qaato dabka korantada ka imaanaysa isagoo hadhow dabk u kala qaybinayaa qaybaha kale ee Computerka.
7- Cooler-Fun: oo ah laba nooc mid ku dul rakiban CPU iyo mid ku rakiban Power Supply. muhiimadoodu waxay tahay inay kulaylka ka saaraan CPU-da iyo Power Supply-ga. Computerka
waxa uu leeyahay qalab wax lagu galiyo iyo kuwo wax lagaga soo saaro.
Waxyaabaha wax lagu galiyo waxaa ka mid ah:-
1- Keyboard
2- Mouse
3- Camera
4- Microphone
5- Scanner
Kuwa wax lagala soo baxo waxaa ka mid ah:-
1- Screen (Shaashad)
2- Printer
3- Projector
4- Speakers
3. user : isticmaaluhu waxa uu ka mid yahay computerka waayo user ka la'aan tiisa computer lamaba isticmaali karo waa meesha ugu muhiimsan computerka, sidoo kale userku waa soosaarihii computerka ninka soo saaray computerka waa uu is ticmaala maxaa yeelay aad buu muhiim u yahay qarnigaan la joogo wax walba oo dhacana waxaa lagu qabtaa computer tusaale ahaan ma jirto shirkad aan is ticmaalin computer sababtoo ah waxa ay ubaahan yihiin meel ay xogtooda ku keydsadaan sidaas darteed waxa uu u yahay lagama maarmaan.
4. data : data waa xog iyo amaro la aruuriyey ku waas uu ku shaqeeyo computerka data tu waa lagama maarmaan wax walba oo computerku isticmaalayo waa data xog walba oo lagu qabanaayo computerka waa data, userku waxa uu u baahan yahay xog uu is ticmaalo uu ku shaqeeyo xogtaas ayaa la dhahaa data
data tu waxa ay noqon kartaa sawiro muuqaalo codadyo iyo wax yaabo kale sida document aan qoratay.