Programming languages and their types.

Programming Languages-ka


• Programming Languages-ku waa luqaddo aan dabiici ahayn oo ka kooban erayo iyo sharciyo kuwaasoo loogu talagalay in lagu dhiso software-rada.

Programming waa sameenta nidaam lagu amraayo computer ka si uu shaqo noogu qabto.

si luuqadahaas loo barto waxa la sameeyaa wax loo yaqaano coding(waa shayga aad isticmaalayso marka aad dooneyso inuu computerku shaqo kuu qabto), waxa lagu bartaa barnaamijyo loo yaqaano CODE EDITORS(waxa lagu qoraa luuqadaha programmingka), kuwa ugu caansan waxa ka mida; ▪︎visual studio code, pycharm(luuqadda python ayuu u gaar yahay), notepad++, Atom ,Iwm.

• Nooc kasta oo Software ah oo aduunkan yaala waxaa lagu dhisay Programming Language. Tusaalayaasha Programming Languages-ka waxaa ka mid ah Java, C++, C, iwm.



• Programming Languages-ka waxaa loo kala qaybiyaa laba qaybood. 

 1. Low-level Programming Languages

 2. High-level Programming Lanuages

Low-level Programming Languages-ku waa luqado u dhow hardware-ga oo ku qoran amaro (instructions) uu fahmo CPU-gu oo aan u baahnayn turjumid (sida Native Machine Languages-ka) iyo kuwo uusan fahmin CPU oo u baahan Turjumid aan badnayn (sida Assembly Languages). Way adagtahay in uu bini-aadamku fahmo machine languages waayo waxay ka kooban yihiin nambro la isku geeyay.

High-level Programming Lanuages (sida Java-ga) waa luqado u qoran sida luqadaha dabiiciga ah ee bini’aadamku ku hadlo sida English-ka. Maadaama programming languages-kan loogu tala talay in lagu qoro program-yo, program-yaduna ay ka kooban yihiin amaro(instructions) la siinayo CPU-ga si uu hawl u fuliyo, hadaba si CPU-gu u fahmo amaradan waa in program-yada ku qoran High-level Programming Languages loo turjumaa Low-level Programming Languages.

High Level language: waa heerkii ugu dambeyay waxeeyna udhowdahay luuqada aadanaha sida English ka, taasoo Prorammers ka u fududeeneyso inee software abuuraan.

Sidoo kale high Level language waxoo ubaahan yahay in loo turjumo Machine Language, anagoo adeegsanayno midkood Compiler ama interpreter.

Tani macnaheedu waxaa weeye program-kii lagu qoro Programming Language-ka loo yaqaan C waxaa si toos ah loogu tujumi karaa Machine Language.  

Java-gu wuxuu luqadaha kale ee la compile-gareeyo sida C iyo C++ ka kaga duwan yahay, Java-agu waa luqad la compile gareeyo isla markaana la Interpret- gareeyo. Balse Java laftiisa toos waa loogu badali karaa Machine Language iyadoo la isticmaalayo nooc Compiler loo yaqaano Just-In-Time Compiler. 


Waxaa laga yaabaa in aad iswaydiisid haddii program-kasta oo programming language kasta lagu qoro aakhirkiisa loo badalayo Machine Language, marka horaba maxaa loogu qori waayay machine language program-yada. Xaqiiqdu waxay tahay CPU-ga luqaduu fahmo oo ah machine language-ka waxay erayadeedu ka kooban yihiin ‘0’ iyo ‘1’. Instruction-kasta oo ku jira program lagu qoray luqad aan ahayn machine language waxaa loo badalayaa instructiono ka kooban ‘0’ iyo ‘1’. Bini’aadamku kuma wanaagsana xasuusta lambarada marka sidaas darteed ayaa loogu baahday luqad sida loo qoro uu bini’aadamku xasuusan karo. Assembly Languages-ku waa luqado u dhow machine languages-ka balse weli barashadoodu ma fududa oo weli waa lambaro iyo erayo isku qasan, waxaana loo baahan yahay in lagu turjumo program loo yaqaan Assembler. High-level Languages-ka ayaa baahidii loo qabay luqad si fudud bini’aadamku ku fahmi karo daboolay. Balse waxaa waajib noqotay in la turjumo program-yada oo loo turjuma machine language si uu CPU-gu u fahmo iyadoo la adeegsano programyo wax turjumo oo loo yaqaan Compilers iyo Interpreters. Compiler-ka iyo Interpreter-ku isku hawl ayay qabtaan balse waxay ku kala duwan yihiin sida ay hawsha u qabtaan, sharaxaadooduna waxaa laga yaabaa in ay idin sii wareeriso. Marka waxaad u barataa in ay yihiin laba program oo kala duwan balse isku shaqo qabta.

Waa maxay farqiga udhaxeeyo Compiler iyo Interpreter?

Compiler ka waa in laturjumo dhamaan source code program ka kahor inta la execute gareyn. Halka

Interpreter ka waxa uu uturjumaa source code program ka line kiiba mar.

Luuqadaha kukala abtirsada Interpreters iyo compilers:-

 Compiler Interpreter

  C JavaScript 

  C++ PHP

  Java Perl

  Delph Python

  Swift PostScript

  Objective-C Ruby

Waxaa qoray Mohamed abdirahman muse.


Post a Comment

Previous Post Next Post