WAAN SOO LAABTAY
maqaalkaan waxaa iigu dambeysay 1 sano waxaan soo dhigi jiray waxyaabo badan oo ku saabsan technologyada iyo business ka anakoo meelo badan ka soo taaban jirnay maqaalkii iigu dambeeyey ee aan soo dhigo waxa uu ahaa markii uu soo baxaayey appkaan lagu magacaabo threads 1 sano ka hor, balse wixi maanta ka danbeeyo waxaa rajeynaa howsheeda inaa halkaas kasii wado oo aan soo gudbiyo waxyaabo bulshada anfacaya.
waxaan maqnaa muddo 1 sano ah aniga oo ku mashquulay sidii aan nafsi ahaan wax ubaran lahaa iyo sidoo kale waxaan ku maqnaa daraaseen aan ku sameeynaayey technologyada iyo busineska, waxaana soo helay maqaalo fara badan oo aan idiin soo gudbi doono.
waxyaabaha aan soo bartay inta aan maqnaa waxaa ka mid ah:
1. WEB DEVELOPMENT Waxaan soo bartay sida loo sameeyo websiteska nuuc walba u yahay sanad ka hor waxaan sameeyey maqaaklkaan aan hadda idinkaga soo gudbiyo wararka ku saabsan technologyada iyo businesska, waqtigaas ma aqoon sida loo sameeyo websiteska kaliya waxa aan aqaanay sida loo sameeyo blogger oo ah meesha kaliya aan aniga is baray oo aan si fiican u daraaseeyey.
2. E commerce waa mocduuc aad u weyn kaas oo ah in online ka wax lagu iibiyo sidoo kale ayada waan soo bartay waxaana hadda usoo jeestay sidii aan ku bilaabi lahaa i,a marshawna waa bilaabi doona, e commerce gu waa meel aad ka sameyn karto lacag haddii aad tahay qof ganacsade ah waayo dunidaan la joogo hadda waxa ay u guurtay hab casri ah oo loo yaqaano digital sidaas darteed waa in aad la jaan qaadi kartaa.
3. SYSTEM DEVELOPMENT waxaan soo bartay sida loo sameeyo database dhameystiran oo ku shaqeynayo online iyo offline intaba in kastoo wali uu dhax ii maraayo waxaa si fcn usoo bartay sida loo sameeyo maadaama ganacsi kasta ee dunida ka jiro uu ubaahanyahy system waxaa lagama maar maan ah inaad barato hadii aad tahay qof IT bartay, dunidaan wey weyntahay meel uun ka gal.
ugu dambeyn waxaan idinku dhiira galinayaa inaad is dhiira galisaan oo wax qabsataan waayo hormarkaagu waxa uu ku xiran yahay inaad dhaqaaqdo oo aad fadhiga ka kacdo, waxaa laga yaaba in uu alle waddo kuu furo oo aad noqoto qof ki aad rabtay. waxaan la talinaya qof walba oo fahmaya hadalkeyga jecelna in uu hormar sameeyo waxaad ku dadaashaa waxa aad hadda barato inaad daraaseeyso waayo ayaka ayaaba kuu noqon kara il wax fiican kaasoo galaan.
waxaan idin leeyahay dadaala oo guusha gaara.