Waa Maxay ChatGPT? Sidee u Shaqaysaa?

 Waa Maxay ChatGPT? Sidee u Shaqaysaa?



ChatGPT waa mashruuc iyo aalad ku dhisan caqliga macmalka ah (Artificial Intelligence AI) oo ay samaysay shirkada lagu magacaabo OpenAI oo xarunteedu tahay magaalada San Francisco ee dalka Maraykanka, waxana la daah-qaaday 30 bishii November ee sannadkii aynu ka soo gudubnay 2022.


Aaaladan oo ujeedka loo sameeyay yahay in ay hawlaha u qabato sidii dadka caadiga ah ay u qabanayeen, si ay u fududayso hawlo badan oo wakhti, tamar iyo dhaqaale qaadan lahaa.  


ChatGPT

ChatGPT waa aalad wax badan ka beddeshay tiknoolajiyadda casriga ah ee dunida maanta.

Aaladan ChatGPT waxa ay u dhaqmaysaa, su’aal kasta oo aad waydiisana uga jawaabaysaa sida bini aadanka oo kale, inkasta oo 100% aanay sax ka dhigi Karin waxyaabaha qaar oo ay ku jawaabayso, haddana badanka sida laysku raacay, waxa ay tahay mid waxkasta sida ugu saxsan uga jawaabaysa weliba daqiiqado iyo seconds kooban gudaheed.


Isticmaalayaashu waxay ku weydiin karaan su’aalaha qaab fariin degdeg ah sida muuqaal, iyagoo baadhaya aqoonta ay u baahan yihiin. ChatGPT waxay kaga jawaabi doontaa su’aalaha jumlado buuxa, iyadoo isku dayayso inay ku dayato, su’aalahana uga jaawaabto habka wada hadalka caadiga ah. Laakin ka digtoonow in jawaabaheedu aanay mar walba sax ahayn, ama aanay ku habboonayn waxa aad doonayso.


Yaa Sameeyay ChatGPT?

Waxa sameeyay shirkad ku taala magaalada ganacsiga iyo dhaqaalaha ee San-Francisco ee gobolka California ee dalka Maraykanka waxana aasaasay dad badan  oo iskugu jira ganacsato, injineero, professors, iyo dad badan oo maalqabeeno ah, kuwaasi oo uu ka mid yahay Elon Musk . Waxa shirkaddan madax ka ah CEO nin lagu magacaabo Sam Altman oo horay madax uga ahaa Y-Combinator


Sax-ahaanshaha Xogta ChatGPT

ChatGPT, horta maaha shakhsiyad caadiya oo wax kaaga jawaabaysa, taas beddelkeeda waxa ay adeegsanaysaa aqoonta iyo xogta lagu dhex kaydiyay ee laga soo ururiyay ilo badan oo kala duwan oo ay weheliso tababarka aadanaha.


Qoraal kooban oo afeef ama digniin ah ayaa soo baxaysa marka aad bilowdo isticmaalka tignoolajiyada, iyadoo uga digaysa isticmaalayaasha in ChatGPT aysan had iyo jeer sax ahayn.


Aaaladdan waxa ay qori kartaa jawaabo u muuqan kara kuwo macquul ah, balse ka kooban khaladaad marka si dhow loo baadho. Inta jeer ee been-abuurka ah, ama khaladaadka yaryar waxay sii kordhiyeen shaki ku saabsan sida ugu dhakhsaha badan ee noocan AI ah layskugu halleyn karo iyada oo aan lagu samayn kormeer ama dib u eegis bini’aadam.


Sidee Loo Isticmaalaa ChatGPT?

OpenAI waxa ay u ogolaataa dadka in ay tijaabiyaan tignoolajiyada iyaga oo account ka samaysanaya website-kooda, ka horna akhrinaya afeef kooban (Disclaimers)


Tiknoolajiyadu waxay ogeysiinaysaa isticmaalayaasha in laga yaabo inay isticmaasho natiijooyinka la soo saaray si ay si wanaagsan ugu tababarto tignoolajiyada lafteeda, waxayna uga digaysaa isticmaalayaasha inaysan gelin macluumaadka xasaasiga ah.


Qaar Ka Mida Isticmaalayaasha ChatGPT

Dad badan oo dunida ayaa markii ay aaladdan soo baxday bilaabay isticmaalkeeda, markii sidaas loo soo shaaciyayna waxa ay aaladdan heshay 1 Million oo isticmaalayaal ah.


Saamaynta ChatGPT


Isbeddelka tiknoolajiyeed ee dunidu waxa uu maanta ku socdaa si xawli ah, waxkastana waxa uu ku dhisan yahay tiknoolajiyad casri ah oo hawlo badan fududaysay, taasi oo meesha ka saartay ama ka saaraysaba shaqooyin badan oo hada dadku qabtaan, hadaba sida laysku raacay dad badan oo ay ka mid yihiin bloggers, professors, programmers iyo journalists kuba dhawaan suuqa shaqada ayay ka baxayaan oo hawshooda wax qorista waxa la wareegaya aaladaha ku dhisan caqliga macmalka (Artificial Intelligence).

Post a Comment

Previous Post Next Post