waa maxay ganacsi, ujeedooyinka ganacsiga,noocyada iyo qaabka ugu fiican ee loo aasaasi karo

 Waa maxay Ganacsi



● mowducyada. 

     ● Waa maxay ganacsi? 

     ● Ujeedada ganacsiga: 

     ● Noocyada ganacsiga: 

     ● Qaababka ganacsiga:


 HORDHAC:

Guud ahaan ganacsigu waxaa uu ka dhashaa fikrad ku dhalatay qof ama koox maskaxdooda. Fikradaas oo u la muuqatay in ay tahay fursad ka banaan bulshada oo faaido laga samayn karo, sidoo kalena, lagu dabooli karo baahi ka jirta bulshada dhexdeeda. Fikradaasi waxaay martaa marxalado badan oo kala duwan ka hor inta aanay noqon ganacsi si toos ah u shaqaynaya. Waxay ka soo bilowdaan qiimeyn ku aadan suurta galnimada in ganacsigaasi yahay mid la hirgelin karo, cilmibaaris & hor-u-marin ilaa fulin oo ah halka ugu danbaysa marxaladaha ay fikradi isugu bedesho ganacsi shaqaynaya. Markaas ayaa ganacsi walba waxaa u bilaabma weji kale; weji fikradii la hirgeliyay ay si toos ah u marayso tijaabo ku aadan in ganacsigani yahay mid u qalma in la hirgeliyo wakhtigan, laga hirgeliyo meeshan, ayna hirgeliyaan dadkii munaasabka ku ahaa – maalgashedayaal & shaqaaleba.

Ugu dabayn ganacsi wuxuu ka dhashaa qof/dad, Fikrad[Ganacsi] iyo fulin.


 WAA MAXAY GANACSI?

Xeeldheere cilmiga ganacsiga ah oo lagu magcaabo Dicksee wuxuu ku qeexay ereyga ganacsi [Business]: “waa waxqabad ay dadku ku sameeyaan faaido & hanti sidoo kalena ay ku daboolaan baahi ka jirta bulshada dhexdeeda”. Mar kale xeeldheere Stephenson wuxuu ku qeexay waa “wax-soo-saarka ama soo-iibsashada iyo sii-iibinta ee badeecadaha iyadoo laga samaynayo faa’iido & hanti lagana qancinayo bulshadaas baahidooda ku aadan waxaas laga ganacsanayo”. Sidoo kale xeeldheere Lewis Henry wuxuu ku qeexay: waa “dhaq-dhaqaaq bani-aadam oo ay ujeedkiisu tahay si ay u helaan hanti, waxayna soo ‘iibsadaan/saaraan’ badeecad kadibna waa sii iibiyaan iyagoo faaido saaranaya”.

Guud ahaan ganacsiga waxaa lagu qeexi karaa in la keeno fikrad abbaaraysa buuxinta baahida bulshada, lagana shaqeeyo sidii fikradaas loo fulin lahaa, si hanti looga dhaqdo.


    UJEEDADA GANACSIGA:

Sida aan kor kuu xusnayba, ganacsigu labo ujeedo oo waaweyn ayaa laga leeyahay iyadoo la tixgelinayo nooca bulshada ganacsigu uu ka dhex jiro, xilliga lagu jiro iyo sharciyada dadkaas u yaal. Labaadaas ujeedo oo si isweydaar ah isu dhaafaya ayaa qoloba rabtaa in ay yoolkeeda ku gaarto. Kow, in faaido la sameeyo – Qofka/dadka samaystay ganacsiga waxa ugu weyn waa in ay hanti ka kasbadaan shaqadaan. Si ay hantida u helaan waxaa laga rabaa in dadku waxay u baahanyihiin ay keenaan. Labo, in dadku baahidooda buuxiyaan[intay awoodaan]. sidaa darteed, waa in bulshadu ay iibsataa macaashka ama adeegga suuqa yaal ee ay u baahan yihiin ayna iska bixiyaan lacagta u dhiganta helidda macaashka ama adeegga.

Isku soo duub oo, ganacsigu waa dhaqdhaqaaq labo ujeedo leh; kow, mid ah in faaido la sameeyo, hantina la yeesho &, labo, in la daboolo baahida bulsho ee meel ku wada nool.


  NOOCYADA GANACSIGA:

Ganacsiga guud ahaan waxaan u kala saari karnaa afar nooc oo waaweyn iyadoo laga tixraacayo shaqada ay bulshada u qabanayaan. Afartaas nooc waxay ka la yihiin:

       ○ Ganacsi adeegga bixiya:

noocani waa ganacsi bixiya adeegyada, shaqooyinka u baahan xirfadaha & aqoonta. Waa nooca shaqada uu kuu qabanayaa ay tahay wax lama taabtaan ah [intangible]. Taas bedelkeeda kuu fududeynaya in ujeedo aad lahayd aad gaarto adigoo wax aad taaban karto dareen ahaan aan gacanta laguu gelinayn. Tusaale waxaan u soo qaadan kartaa; Bangiyada, goobaha dumarka lagu qurxiyo[Salons], shirkadaha talooyinka bixiya, shirkadaha isgaarsiinta, sida Golis, Hormuud ama Somtel oo kale, & sidoo kale shirkadaha safarada. Mid walba ujeedo aad lahayd ayuu kuu fuliyay, laakiin, midna wax laa taaban karo dareen ahaan kuma siin.

   Ganacsiga badeecada ah:

Noocani waa ganacsiga lakala iibsado badeecadaha looga baahan yahay bulshada dhexdeeda. Ganacsigan waxaa lagu kala gataa alaab aad taaban karto, muuqan karta ama aad arki kartid; si toos ah. Badeecad [tangible] ah ayaa la kala iibsanaya. Tusaale waxaan u soo qaadan karnaa; sirkadaha sibidhka ama qalabka dhismaha, shirkadaha bagaashka, kuwa qalabka korontada ama shirkadaha khudaarta, kaluunka ama hilibka[xoolaha] ka ganacsada.

Labadan nooc ee sare waxay ku kala duwan yihiin waa in midna ay kaaa gadayso adeeg[intangible], midna ay kaa gadayso badeecad[tangible]. Tusaale waxaa Inoogu filan: shirkadda ka ganacsata iibinta qalabka dhismaha hadaad wax uga baahato waxaa ka soo gadanaysaa alaab aad taaban karto dareen ahaan, sida alwaax, sibidh ama jiingad, laakiin hadad u tagto shirkad dhismaha ka shaqaysa ee aad ka dalbato in ay guri kuu dhisto, waxay kuu qabanaysa adeeg ku xiran xirfadda dhismaha, alaabtii aad ka soo gadatay shirakada qalabka dhismaha iibisa ayay xirfada ay leedahay shirkadan dhismuhu kaaga soo saaraysaa gurigii aad u baahnayd.

   Ganacsiga wax-soo-saarka ah[warshadaha]:

Kani waa ganacsi ku saabsan wax-soo-saarka warshadaha. Iyagu waxaa ay soo saaraan waxyaalaha suuqa lagu ka la gato. Marka hore waxay keensadaan alaab ceerin[raw meterials] waxayna u badalaan wax la manaafacaadsan karo bulshada dhexdeeda. Waxa kaliya aya u baahanyihiin si ay alaabtaas u keenaan suuqa waa in ay keensadaan warshad, alaab ceeriin, shaqaale & kharashaad socodsiiya shaqada meesha ka soconaysa. Tusaale; warshadaha sameeya kaluunka qasacadaysan – waxay marka hore keensanayaan warshadii kaluunka samaynaysay, alaabtii ceernayd sida; kaluunkii oo ay badda ka soo dabanayaan, saliidii, gasacadihii lagu guri lahaa IKK, & shaqaale xifadleyaal ah si ay kaluun qasacadysan u-soo-saaraan kadibna ka iibiyaan cidii u baahan jumlo ahaan[badanaa].

    Ganacsi isku dhaf ah:

Noocani waa ganacsi ka koobnaan kara dhamaan sadexda nooc ganacsi ee aan kor kusoo xusnay, ama labo kamid ah. Tusaale; shirkad ganacsi oo adeeg bixisa, badeecona gadda, labadaba. Ama mid sadexdaba kulansatay oo warshad wax-soo-saar leh, alaabtaas ka sii ganacsata, adeegyana bulshada u qabata.


   QAABABKA GANACSIGA:


Ganacsiyadu si kastooy kala ujeedo ama nooc u yihiin, waxaa jira qaabab kala duwan oo uu mid walba gaarkiisa u ahaan karo. Qaababkaas waxaa kamid ah:

    Ganacsi leh hal hantiile leh [Sole proprietorship]:



ganacsiga qaabkan u jiraa waa ganacsi uu hal qof leeyahay. Waxaa uu ahaan karaa ganacsi adeeg bixiya, warshada ama ganacsi abdeecad ka shaqeeya, laakin hal qof ayaa leh. Mas’uuliyadiisa dhamaan halkaa qof ayay dhakadiisa tahay. Hadii uu kaco[bankrupt] ama faaido, labadaba isaga uun baa leh.


     Ganaci dhowr hantiile leh [partnership]:

qaabkani waa ganacsi ay wadaagaan dhowr qof. Nooc ahaan kii uu doono ha ahaade, ganacsigan dad badan baa wadaaga. Halka kii hore uu hal qof lahaa, kan dhowr qof oo kala duwan baa wadaaga. Laakiin sida kii hore Mas’uuliyadiisa dhamaan dhowrkaas qof ayay dhakadooda tahay. Hadii uu kaco[bankrupt] ama faaido, labadaba iyaga uun baa leh.


      Ganacsi madax banaan [corporation]:

ganacsigani wuxuu leeyahay qaab kala saaraya hantiilayaasha iyo shirkada. Shirkada, sharci ahaan, waxaa loo tixgelinayaa sida qof nool oo kale oo ka madax banaan hantiilayaasha. hadii ay shirkadaasi gasho wax denbi ah, sharci ahaan lama xukumayo shalhsiyaadka leh ganacsiga, balse waxaa la xukumayaa shirkada lafteeda. Saamileydu waxay doortaan maadax maamul[Board of Directors], iyaga ayaa shaqada socodsiiya, saamileyaashu waxay ka xisaabtamaan uun faaidada keliya iyo bedelida madaxda maamulka[Board of Directors], hadii loo baahdo.

Guud ahaan sadexdaa qaab baa ugu caansan ee ay shirkaduhu uga jiraan aduunka. Waxaa jira noocyo kale, sida ganacsiga deyntiisu ka xadidantahay hantiilaha, oo hadii shirkadaas deyn lagu yeesho waxaa looo raacayaa shirkada hantideeda oo keliya, hadii guud ahaan hantida shirkadaasi ay iska bixin kari weydo deyntaas, hantida kale ee hantiilaha looma raacayo.




Post a Comment

Previous Post Next Post