Threads waa app cusub kaas oo a yimid shirkada meta, waxaana isticmaalkiisa uu shabahaa tiwitterka, application kaan cusub ayaa waxa uu yahay mid lagu soo bandhigi karo qoraalo, video iyo sawiro. Qoraalada lagu soo bandhigaayo ayaa ka kooban 500 oo xaraf, waxaa kaloo dadka u furan qoraalada lasoo galiyo in ka bixin karaan faalo ama comment.
Hadafka appkaan ayaa ah in la abuuro meelo badan ay dadku isku bara karaan sidoo kalena ay isku xaal wareysan karan, mamulaha shirkadda meta ayaa waxa uu so galiyey bartiisa threadka qoraal furitaan ah kaas oo uu ku dhahaayo “waxaan rajeyneynaa in aan abuurno qibrad cusub, fikradaha iyo kadoodista waxyaabaha cusub ee maskaxdaada ku jira”.
Hadaba side la iskaga diiwaan gali karaa appkaan cusub ee threads, markaa soo dagsato appkaan waxaa si toos ah ugu xiran kartaa koontadaada instegramka, balse waxaad iska badali kartaa bio gaaga adiga oo ku qoranaya mid cusub, sidoo kale profile ka threadska ayaa ah mid ku xirnaa doona profile ka aad ku isticmaaleysid instegramka, haddii aad dooneyso inaad iska badasho profilekaaga appka threadska waxaa si toos ah u aadeysaa koontada aad ku isticmaaleyso instegramka, appka threads ka ayaa ah mid laga heli karo 100 wadan iyo kabadan sidoo kalena waxaa uu leeyahay 30 luqadood .
Dad badan ayaa is weydiinaayo appkaan threadska in uu hawada ka saari karo appka tiwitter, isticmaalayaan badan oo tiwiterka ka mda ayaa muujiyry rabitaan badalaad ah tan iyo markii sanadkii hore xilka la wareegay milkiiliyada elon musk, waxaa la xusi karaa in shirkada meta hal lug oo muhiim ah ay ku leedahay appka tiwitter qoraal ay soo dhigtay barteeda tiwitterka mamulaha cusub ee tiwitterka linda ayaa waxa ay ku sheegtay in lafuray app cusub oo ay xifaaltamaan.
mahadsanidiin.