15 July waa maalinta xirfadaha dhalinyarada aduunka maalinta waxaa aasaasay ama ku dhawaaqay qaranada midoobe sanadkii 2014 kii, Maalintaan ayaa ah maalin sanad walbo lagu soo bandhigo xirfado badan ayaga oo ay soo bandhigayaan dhamaan dhalinyarada aduunka wadan walba ay joogaan.
Maanta ayaan ka qeyb galay bandhigaan ayada oo ay soo bandhigayeen dhalin yaro soomaaliyeed oo maskaxdooda shiilay, runtii dhalinyarada qaar waa kuwa leh hiigsi iyo in ay nolosha meel ka gaaraan.
Dhalinyarada soomaaliyeed run ahaantii waa dhalinyaro usocda hormar wanaagsan rabaabana in la garab qabto, waxaa jiro kuwa kale oo u baahan dhiira galin si ay usoobandhigaan wax badan oo maskaxdooda kuduugan kaliya waxa ay ubaahanyihiin in la garab qabto oo xirfadooda laga iibsado.
baraarujin dhamaan dhalinyarada soomaaliyed anaga oo og dalka halka uu marayo, anaka oo og wax ka jira gobolada qaar, anaka oo og shaqa la'aanta ka jirta dalka waxaa idinkula talinayaa in aad waxaas oo dhan dheg u dhigina oo aad ka shaqeysiisaan maskaxdiina aadna noqotaan qof aan waxba hor istaagi karin, waxaa dhacda mar marka qaar in aad ka niyad jabto waxa aad qabaneysid sababo la xiriira in lagu dhiira galin waayey balse waxaa ogaataa somaliyada mustaqbalka in aysan sidaan ahaan doonin sidaa darteed haddi aad weyso qof dhiira galiya waxba haka fikirin mar uun waad heli doontaa qof ku dhiira galiya.
Qof walba oo somaliya ku nool wuu jecel yahay in uu hormar gaaro balse waxa hormar gaarayo qofka dul qaadka sameeyo oo kaliya Hamigaaga iyo mustaqbalka aad leedahay ha noqdo mid aad marwalba usoo jeedo aadna ka caajiseyn " Hormarkaga waxa uu ku xiranyahay Howshaada".
waad mahadsantahay.